İzleyiciler

30 Temmuz 2009 Perşembe

ASALKA EREYGA SOOMAALİ





ASALKA EREYGA SOOMAALI
W. D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ


Dadka raariikhda dadyowga dhirin-dhirinya waxay yiraahdeen ereyga soomaali wuxuu ka yimid erey oo isu tagay,oo ah ( soo-maal )
Kaas oo ka koobaan labada erey ee kala ah ( soo ) oo ah soco iyo ( maal ) oo ah lis taas oo markaas noqonaysa ( soco lis ) waayo bay leeyihiin ereyga
( soco ) wuxuu isu bedelay ( soo ) waxay kaloo leeyihiin qaarkood ereyga
( soco ) waa sac magaciis, ( maalna ) waa lis, markaas magacu wuxuu noqonayaa ( maal saca ) dadka sidan aaminsan waxay leeyihiin ereyga soomaali waxaa bixiyey dadkii u soo ganacsi tagi jiray dalka soomaaliya waayo markasta waxay maqli jireen ( soo-maal ) kuwo kale oo wax baara waxay iyaguna leeyihiin magaca soomaali wuxuu ka soo jeedaa ereyga carabiga ah ee ( Duu-maal ) kaas oo micnihiisu yahay:


( shacab xoolo badan leh ) qaar kalena waxay ku doodayaan ereyga kale ee ah in uu magacu ka yimid ereyga kale ee ah ( samaa-la ) oo micnaheedu yahay ninkii waranka dheeraa, si kastaba ha ahaatee qaar kale ayaa baaritaankoodii ku soo hooriyey magaca ( soomaal ) in uu ahaa Ab iyo wasiirkii ay ka soo farcameen dadka soomaaliyeed ee ( aw-samaanle )
dalka soomaaliya Dunidu waxay u taqaan ama u aqoon jirtay magacyo badan sida :-


1 .Dhulkii udgoonaa.
2 . Dhulkii Eebbe.
3 .Geeska Africa. IWM
Dadka soomaaliyeed waxaa loo kala qeybiyaa afar qeybood oo kala ah :-


1 .60% in ay yihiin dad reer miyi ah .
2 .15% in ay yihiin dad beeraley ah,
3 .20% in ay yihiin dad reer magaal ah .
4 .5% in ay yihiin dad kaluumaysato ah


DALKA SOOMAALIYA


Bedka Dalka waa 635.541 Km iskuweer
Tirada Dadka waa 12.000.000
Magaalo Madaxda waa Mogadishu
Diinta waa Islam


Dalka la magac baxay jamhuuriyadda Dimoqraadiga soomaaliya waxay dhacdaa joqoraafi ahaan qorax ka soo baxa Geeska Africa Bari waxaa
Ka xiga bad weyn ta Hindiya, Galbeedna waxaa ka xiga Dalka Itoobiya.


Koonfur galbeedna waxaa ka xiga dalka Dalka kiiniya.




waqooyina waxaa ka xiga Dalka Jabuuti. Dalku wuxuu leeyahay xeeb dhererkeeda lagu qiyaasay
3333 Km. afrikana soomaaliya ayaa ugu xeeb dheer.




marka laga
reebo dalka koonfur afrika.




waxay la dherer egtahay marka la isku daro xeebaha dalalka faransiiska iyo talyaaniga. caasimadiisu waa Mogadishu
tan. labaadna waa hargeysa.


tan sadaxaadna waa Kismaayo.
tan afaraadna waa Burco.


tan shanaadna waa Baydhabo.


Dalku wuxuu xornimadiisa qaatay 26kii Juun 1960
( Gobalada waqooyi ee Ingiriisku Gumaysan jiray.)


1.dii luulyo 1960 waxaa xornimada qaatay gobolada koonfureed ee talyaaniga gumaysan jiray.
1.dii luuliyo 1960 waxaa midoobay labadii gobo lee waqooyi iyo koonfur.


shirkii gumaystayaasha afrika ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay baar-liin 1884.kii ayaa dalka
soomaaliya loogu qeybiyey 5 qeybood oo kala ah :-


Gobolada waqooyi oo loo dhiibay gumaysigii Ingiriiska .


Gobolada Koonfureed oo loo dhiibay gumaysigii Talyaaniga
Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay Gumaysigii Faransiiska.


N.F.D. oo gacanta loo geliyey Dalka kiiniya.
Iyo gobolada soomaali Galbeed oo gacanta loo geliyey Dawlada Ethiopia
shantaan Gobol waxaa la isku yiraahdaa 5.ta soomaaliya
27.kii Juun 1977.kii ayey Jabuutina xornimadeeda qaadatay.


soomaali galbeed iyo N.F.D. weli waxay ku jiraan gacanta gumaystayaasha .


KORODHKA GOBOLADA DALKA
markii ay xornimada qaateen gobolada koonfureed 1960.kii waxay ahaayeen 6 gobol. oo kala ahaa gobolka


Gobolka Banaadir
Gobolka Jubada sare
Gobolka Jubada Dhexe
Gobolka Hiiraan
Gobolka Mudug
Gobolka Bari


waxaa iyana ku soo darsamay Gobolka waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay. waxayna ku soo darsadeen koonfurta labadii gobo lee xiligaas gobolada waqooyi la isku oran jiray.
ee gobolka waqooyi galbeed. iyo gobolka togdheer.




halkaas waxay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda 8 gobol.




markii uu kacaankii militariga ahaa dalka qabsaday ee la qaaday ololahii horumarinta reer miyiga ee 1973.kii ilaa 1974.kii ayey timid baahi ah in la magacaabo gobolo kale oo dheeraad ah. markaas waxaa 8.dii gobol lagu kordhiyey 7.gobol oo kale markaas waxay tirade gobolada Dalka noqdeen 15.gobol.




bilowgii 1980.kii waxaa lagu kordhiyey gobolka Jubada Dhexe.
dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa misana la magacaabay Gobolada Sool iyo Awdal markaas tirada Gobolada Dalku waxay noqdeen
18.ka Gobo lee aan halkan kaga hadalnay.


GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA DALKA SOOMAALIYA GOBOLADA WAQOOYI ( SOOMAALI- LAND )
1. GOBOLKA AWDAL
Baki (magaalo madax gobol)
Boorame
Saylac
Lug-haye
2. GOBOLKA WAQOOYI GALBEED
Hargeyso (magaalo madax gobal)
Berbera
Gibiley
3. GOBOLKA TOG DHEER
Burco (magaalo madax gobol)
Ood weyne
Sheekh
Buuhoodle



4. GOBOLKA SANAAD
Ceeri Gaabo (magaalo madax gobal)
Laas qoray
Cceel afweyn
Baran
Buraan
5. GOBOLKA SOOL
Laas caanood (magaalo madax gobol)
Xudun
Caynabo
Teleex
GOBOLADA WAQOOYI BARI
6. GOBOLKA BARI
Boosaaso (magaalo madax gobal)
Qandala
Iskushuban
Bandarbeyla
Caluula
Qardho
7. GOBOLKA NUGAAL
garoowe (magaalo madax gobol)
Eyl
Sin ujiif
Boocane
Rabaale
GOBOLADA DHEXE
8. GOBOLKA MUDUG
Gaalkacyo (magaalo madax gobal)
Hobyo
Jariiban
Xarar dheere
Gal-dogob
Burtinle
9. GOBOLKA GALGADUUD
Dh/mareeb (magaalo madax gobol)
Caabudwaaq
Ceelbuur
Ceeldheer
Cadaado

10. GOBOLKA HIIRAAN
Beledweyne (magaalo madax gobol)
Buuloburte
Jalalaqsi
Matabaan




GOBOLADA KOONFUREED
11. GOBOLKA SHABEELADA DHEXE
Jowhar (magaalo madax gobol)
Balcad
Cadale
Aadanyabaal
12. GOBOLKA BANAADIR
Mogadishu (magaalo madax Dal)
Hodan
Howlwadaag
Shibis
Boondheere
Yaaqshiid
Kaaraan
Xamarjajab
Xamarweyne
Cabdi Casiis
Wadajir
Waaberi
Wardhiigley
Heliwaa
Dharkenley
13. GOBOLKA SHABEELADA HOOSE
marka (magaalo madax gobol)
Baraawe
Qoryooley
Afgooye
Wanlaweyn
Kurtunwaarey
Sablaale
14. GOBOLKA BAAY
Baydhabo (magaalo madax gobol)
Buurhakaba
Diinsoor
Qansaxdheere
Bardaale
15. GOBOLKA GEDO
Garbahaarey (magaalo madax gobol)
Luuq ganaane
Doolow
Beledxaawo
Ceelwaaq
Baardheere
16. GOBOLK BAKOOL
Xudur (magaalo madax gobol)
Waajid
Yeed
Ceelbarde
Tiyeeglow
17. GOBOLKA JUBADA DHEXE
Bu’aale (magaalo madax gobol)
Dajuumo
Baardheere
Saakoow
Jilib
18. GOBOLKA JUBADA HOOSE
Kismaanyo (magaalo madax gobol)
Jamaame
Afmadow
Badhaadhe




BADAHA MARA DALKEENA


DALKEENA SOOMAALIYA waxaa mara labo badood oo kala ah
Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.




Waana dal ay dhamaantiis ku dherersantahay Bad. Marka lag asoo bilaabo cirifka koonfureed ee raaskaambooni ilaa cirifka waqooyi ee raascaseeyr.


magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan kismaanyo.
baraawe. marka. mogaddishu. hobyo. bandarbayla. iskushuban. boosaaso. caluula. berbera. iyo saylac.


WEBIYADA MARA DALKEENA


DALKAN SOOMAALIYAwaxaa mara LABO WABI oo kala ah.
Juba iyo Shabeele. waxayna ka yimaadaan dalka itoobiya.




waxaana ugu dheer webiga shabeelle. oo dhererkiisu uu gaarayo 500 Km waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaaraayo 800 Km.


magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabeelle wuxuu dalka ka soo gala xadka uu gobolka hiiraan la leeyahay dalka itoobiya.


meel udhow magaalada Feer-feer wuxuu soo maraa magaalooyinka Beledweyne.


Buuloburte. Jowhar. Balcad. Afgooye. Jannaale.




wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood. webiga Jubba isagu wuxuu dalka ka soo gala xuduuda uu gobolka gedo la leeyahay dalka itoobiya.


wuxuuna soo maraa magaalooyinka doolow. Luuq. Baardheere. Bu’aale Jilib. Mareerey. Kabsuuma. Jamaame. wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga daraa meesha la yiraahdo Goobweyn oo kismaayo u jirta 25 Km.


FOGAANTA U DHEXEYSA GOBOLADA DALKA.


Xamar iyo Baydhabo waxay isu jiraan 250 Km.
Xamar iyo marka waxay isu jiraan 1110 Km.
Xamar iyo Jowhar waxay isu jiraan 90 Km.
Xamar iyo Beledweyne waxay isu jiraan 360 Km.
Xamar iyo Bu’aale waxay isu jiraan 485 Km.
Xamar iyo Kismaayo waxay isu jiraan 500 Km.
Xamar iyo Xudur waxay isu jiraan 430 Km.
Xamar iyo Barbahaarey waxay isu jiraan 505 Km.
Xamar iyo Gaalkacyo waxay isu jiraan 750 Km.
Xamar iyo Dhuusomareeb waxay isu jiraan 550 Km.
Xamar iyo Hargaysa waxay isu jiraan 1600km.
Xamar iyo Laascaanood waxay isu jiraan 1220Km.
Xamar iyo Garoowe waxay isu jiraan 925 Km.
Xamar iyo Boosaaso waxay isu jiraan 1505Km.
Xamar iyo Bari waxay isu jiraan 1800Km.
Xamar iyo Burco waxay isu jiraan 1340Km.
Xamar iyo Ciiregaabo waxay isu jiraan 1450 Km.


XOOLAHA SOOMAALIDA.


Xoolaha ay soomaalidu dhaqaato waxaa loo qaybiyaa afar mees.
Geela iyo Lo’da waxaa la isku yiraahdaa Ishkin.
Idaha iyo Riyahana Ari.


Geela geela kan labwaxaa la yiraahdaa rati. kan dhadiga hal marka ay yar yaryihiin qurbac iyo nirig


LO’DAlo’da neefka lab waxaa la yiraahdaa Dibi kan dhadiga na sac marka ay yaryihiin wayl iyo weyl ama aalo


RIYOriyaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Orgi kan dhadigana Ri marka ay yar yihiin waxar iyo waxar ama maqal
IDOidaha neefka lab waxaa la yiraahdaa ( sumal ) kan dhadigana lax ( sabeen ) marka ay yar yar yihiin Neyl iyo nay lama Baraar.


DALAGYADA SOOMAALIDU BEERATO.


1. Galeyda. Waxay ku bislaataa 90 beri
2. Mesegada waxay ku bislaataa 90 beri
3. Sisinta waxay ku bislaataa 90 beri
4. Muuska wuxuu ku bislaadaa 180 beri
5. Digirta waxay ku bislaataa 80 beri
6. Yaanyada waxay ku bislaataa 90 beri
7. Babaayga wuxuu ku bislaadaa 180 beri
8. Bataatigu wuxuu ku bislaadaa 120 beri
9. Lowska wuxuu ku bislaadaa 100 beri
10. Canbaha wuxuu ku bislaadaa 6 sano



MAGACYADA GEED MIROODKA KA BAXA DALKEENA
Hohob 10. Miracas
Mareer 11. Tuke lalmi
Gud 12. Murcood
Dhafaruur 13. Kobash
Dhuwan 14. Askax
Ontoro 15. Shanfarood
Deegaan 16. Barde
Dhebi (Mircaanyo) 17. Dhamaag
Gob 18. Qoone


TAARIIKHO LA XUSUUSTO


26.Kii Juun 1960 xornimadii gobolada waqooyi
Idii luulyo 1960 xornimadii gobolada koonfureed
Idii luulyo 1960 midoobidii gobladii waqooyi iyo koofur
12ka abriil aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka soomaaliyeed
8ka maarso maalinta haweenka soomaaliyeed
5.tii oktoobar 1949.kii dagaalkii dhagax tuur ee hanoolaato
27.kii juun 1977.kii Xornimadii Dalka Jabuuti
15.kii Maajo 1943.kii aasaaskii ururkii S . Y . L .


Bishii October 18-20 1917.kii Shirkii ururka midowga afrika ayaa lagu qabtay xamar.
20.kii bishii 12.naad 1950.kii aasaaskii booliiska soomaaliyeed
21.kii oktober 1972.kii qoraalka Farta Soomaaliga
16.kii Febraayo 1974.kii Soomaaliya waxey ku birtay Jaamacada Carabta.
1528-1542.kii Halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska
1900-1921.kii Halgankii Sayid Maxamed C/lle Xasan ee Ingiriiska
Ida. Abriil 1950.kii Heshiiskii qaramada midooobay iyo talyaaniga ee Xornimo Gaarsiinta soomaaliya.


Bishii Luulyo 1960.kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
Bishii Juun 1967.kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday maxamed Siyaad Barre.


Warshadda kaluunka laasqorey waxaa la dhisay 1970.kii
Warshadda Dharka baldac waxaa la dhisay 1968.kii
Warshadda Sonkorta Jowhar waxaa la Dhisay 1962.kii
Warshadda Caanaha Xamar waxaa la dhisay 1966.kii
Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973.kii


MAAHMAAHYADA KU QALDAN DIINTA


Nin laga adagyahay laga Alle Roon
Cishe iyo Naag xunba waa la dedejiyaa
Meel uu caalin taabtay cadaab ma gaarto
Meel il laga la’yahay hadaad tagto ilbaa la isku ridaa
Meeliba siday u taal ayaa loola yaal
Rag iska celi iyo Rabi ka cabso Meel ma wada galaan
Wacdi wadaad wax I sii baa u dambeysa
Wiil ninkii korsan lahaa Ilaahey ma siinin
Caado la gooyey caro Alle ayey leedhay
Aduunyo waa Hawle salaadana ha lagu daro
Fiqi tolkii kama janno tago
Maahmaahdu waa Diin shanaad
Carab intey ku nabto ayey nebigana kaaga hormartaa
Waxaan ku cuninba waa la cunaa
Intii Ilaahey laga barto waan hoos joogay
Nimaan Ilaahey aheyn usha way ka dhacdaa
Masladadaada maqaar ey baa loogu seexdaa
Rag ciil cadaab buu ka doortay
Nimaan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo
Kheyr ha sameyn shari kuuma timaadee
Wadar iyo waaxid yaa waalan
Walaa Xowla Walax baa ku hoos jira
Ilaahey nin uu deystay ayaa Dagaala




SIDKA QAARKA MID AH DUUR JOOGTA IYO DAB JOOGTA


Xayawaanada duurjoogta iyo dabjoogta ee Dalkeena laga helo sidkooda waa kala duwanyahay oo kuligood isku xilli ma aha.
mid waliba wuxuu leeyahay xille go’an oo uu rimaayo kuna dhalaayo.
sidka lo’da waa 285.beri 6. sidk geela waa 390.beri
sidka idaha waa 150.beri 7. sidka riyaha waa 151.beri
sidka fardaha waa 340.beri 8. sidka damerada waa 370
sidka eyda waa 120.beri 9. sidka bisada waa 110.beri
s/maroodiga waa 630.beri 10. S/Digaaga waa 21.beri


CAANAHA IYO WAXYAABAHA LA XIRIIRA


Culin. cadaadid. Haruub. Gaawe. Ameel. Haan. Catir. Lingax. Ruxid.
(Lulid) caano-lule. saab. dhiil. lisid. dabar. xagayn. maraq. igar.
sidig. cusub. (gandaal) dacay. godal. gaagax. toojo. madi. baaqin. dambar. dhay. (mac) dhanaan. karuur. fadhi. kalbaa. ciir. (garoor) miyac. suusac. waraabe-qandhis. barax xoor labeen bur-cad. subag. sixin. xanto. teexaan (kala tasho sharaxa ereyadaan dad aqoon u leh.)




DHAQANKA IYO GUURKA SOOMAALIDA
sooryo. yarad. gabaati. gaari. marwo. hadiiqo. maakhiido. areedo. baali. basari. araajo. dhibaad. meher. heerin. Geesxir. guumeys duub. godadle. gashaanti. galbis. manxiis. mansiisad. dhicis. dhameys. shindhalad. guudgoyn. xilogube. naagshudo. raaliyo. garoob. carmal. curad. guradambeys. mataano. roorsi. dhabargaraac. nindiid. marasho. xigsiisin. dumaal. carocelin. siismo. xodxodasho. yabash. iyo kaalo,gol maran. uur ku har (kala tasho sharaxa ereyadan qof aqoon u leh)


MAGACYADA DHALINYARADII URURKA S . Y . L .


C/qaadir saqaawe diin
Maxamed xirsi nuur
Yaasiin xaaji cismaan
Xaaji maxamed xuseen
Cusmaan geedi raage
Dheere xaaji dheere
Daahir xaaji cusmaan
Cali xasan maxamuud
maxamed cali nuur
maxamed faarax hilowle
xaaji maxamed c/laahi
Hhuudow macalin cabdulle
Maxamed cusmaan baarbe


BILAHA SANADKA IYO SOOMAALIDA

Seko
Safar
Mowliid
Maalma-doone
Milli-hore
Milli-dhexe
Milli-dambe
Soon-dheere
Soon
Soon-fur
Sidataal
Carafo



GOBOLADA IYO WARSHADAHA DALKA
GOBOLKA BANAADIRwarshadda caanaha


warshadda birta
warshadda baastada
warshadda sifeenta badroolka


2. GOBOLKA SH/HOOSE
warshadda labanka
warshadda yaanyada. (itop)


3. GOBOLKA BARI.
warshadda kaluunka xaabo warshadda kaluunka qandala
warshadda kaluunka laasqoray


4. GOBOLKA TOGDHEER
warshadda hargaha


5. GOBOLKA W/GALBEED
warshadda shamiintada
warshadda galleyda
warshadda jypsinka iyo tabaashiirta
warshadda eterenigga
warshadda hargaha
6.




GOBOLKA J/HOOSE
warshadda caaga. (inkas)
warshadda hilibka
warshadda hargaha
warshadda sokorta (mareerey)
7.


GOBOLKA SH/DHEXE
warshadda sokorta jowhar
warshadda dharka balcad
warshadda rassaasta


8. GOBOLKA MUDUG
warshadda gallayda…






W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ


address: ANKARA/RÜKEY

29 Temmuz 2009 Çarşamba

BİLİC-SAMİDA SOOMAALİYA





Dhulka
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ



Soomaaliya waxay kutaalaa geeska Afrika Bari. Waana meel aad muhiim ugu ah xagga juqraafiga. Bedka dhulka Soomaaliya uu ku fidhiyaa qiyaastii waa 246,000 mayl laba jibbaaran, ama (637,000 Kiiloomitir labajibbaaran). Soomaaliya waxaa waqooyi ka xiga Badda Cas, barigana Badweynta Hindiya, dhanka Galbeedna waxaa xad kala wadaaga Kenya iyo Ethiopia, waqooyi-galbeedna Djabouti.


Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, taas oo dhererkeedu yahay qiyaastii 2,060 mile ama [3,330 Km].


Dhulka Soomaaliya waa dhul saxara xigeen ah. Waana dhul aad u siman, marka laga reebo dooxooyinka webiyada shabeelle iyo jubba iyo buuraleyda Golis ee taxan xeebaha Waqooyi iyo Waqooyi-Bari . Taasi waxay sahal kadhigeysaa in reer guuraagu ay si sahal ah u safri karaan meeshii ay doonaan. Soomaaliya waa dhul aad ugu haboon xoola dhaqashada, gaar ahaan xilliga barwaaqada, iyadoo ay kabaxaan dhir aad u kala geddisan oo kuhaboon daaqa xoolaha .


Dhanka waqooyiga ee ku xeeran gacanka Cadan waxaa ku yaala dhulka looyaqaana Guban, dhulkaas oo bilicsami ku siyaadinaya Berbera iyo buuraha Golis ee aan kor ku soo xusnay.




Ceerigaabo agteedana waxaa kuyaal buurta ugu dheer Soomaaliya oo lagu magacaabo Surad, dhererkeeduna lagu qiyaasay 7,900 feet ama (2,408 mitir). Buurta labaad ee Soomaaliya ugu dheerna waa buurta Baxaya, waxayna kutaal Buruc oo Boosaaso kaxigta dhanka Bari.


Dhanka koonfurtana marka aad u kacdidna waxaad geleysaa Sool iyo Hawd iyo dhulka loo yaqaan galgodon ama oogo .




Markaad timaadid dhanka Baydhabo, waa dhul ka samaysan dhagaxa looyaqaan "Granite".




Xeebta u dhexaysa Kismaayo iyo Hobyo oo dhererkeedu yahay 1,000 km waa dhul bacaad ah, taas oo kutusinaysa bilicsamida dhulka soomaaliya marka aad kasoo eegtid dhanka badda.




Dhulka kale ee hooseeya (dhul-hooseed) ee Soomaaliya waxaa kamid ah Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal oo kuyaal Waqooyi-Bari. Labaduba waa dhul waadi ah, waxayna biyaha ku daraan badweynta Hindiya. Dharoor waxay badda kaga darsantaa Xaafuun, Nugaalna waxay kaga darsantaa Eyl.


Dhanka koonfurta waxaa ku yaala labada webi ee jubba iyo shabeelle. Waxay labaduba kasoo bilaabmaan buuraha Ethiopia. Jubba wuxuu biyaha kaga daraa badweynta Hindiya meel u dhow Kismaayo. Shabeelle wuxuu ku dhamaadaa meel dhexe inta uusan badda gaarin.


Jubba ayaa ka biyo badan Shabeelle.


Dhulka Labada webi ku xeeran ee aadka u quruxda badan waxaa kamid ah Afgooye, Balcad, Jawhar iyo Jamaame.


Cimilada

W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ




Soomaaliya waxaa mara dhul baraha, sidaa daraadeed waa dhul kulul. Waxayna leedahay afar xilli: waana kuwan hoos ku qoran:
1. Gu'
April - June
2. Dayr
October - December
3. Jiilaal
December - March
4. Xagaa
June - September


Roobka ku da'a Soomaaliya sanadkiiba qiyaastii waa 4 inches (100 millimitir).


Inkasta oo gobolada soomaaliya roobka ay helaan uu kala duwanyahay.




Woqooyi-Bari qiyaastii roobka sannadkii ku da'a waa 8 ilaa 12 inches.


Koonfur-Galbeed iyo Waqooyi-Galbeedna qiyaastii waxaa ku da'a 20 ilaa 24 inches oo roob ah sannadkii.


Meelaha xeebaha ah ee Soomaaliya aad ayey u kulul yihiin, dhulka berriga ahina waa kuley xigeen. Xeebaha Berbera iyo Boosaaso heerkulku wuxuu gaaraa 38 C ama (100 F), waana bilaha June ilaa September.




Dhulka xeebaha koonfureed heerkulkoodu waa hooseeyaa iyadoo ay ka dhacdo dabeyl ka timaada bad-weynta Hindiya. Heerkulka Muqdisho wuxuu u dhexeeyaa 28 C (83 F) bisha June iyo 32 C(90) bisha April.

Dhirta iyo Daaqa

W.D. MAXAMED XUSEEN


Dhulka Koonfurta iyo Woqooyi-galbeed ee Soomaaliya waa dhul hawd ah oo ay dhirtu ku badan tahay, taas oo ay ugu wacan tahay roobka ka da'a meelahaas oo ka badan kan ka da'a dhulka Soomaalida intiisa kale.




Woqooyina waxaa ku badan cawska iyo dhir ku haboon daaqa xoolaha. Woqooyi-Bari iyo xeebaha Woqooyiga waxaa ku badan dhirta xabagta leh, sida Fooxa (Beeyada) iyo Maydiga.




Fooxa iyo Maydiguba waa xabag aad u udgoon waxaa lagu udgiyaa guryaha iyo masaajidyada, iyadoo weliba loo dhoofiyo dibadaha oo markaas laga helo lacag adag.




Dhanka gobolada dhexe iyo weliba koonfurta waxaa ku badan dhirta mayraxda leh. Soomaaliya waxay leedahay xoolo aad u badan. Taasi waxay sababtay in daaqa waddanku uu yaraaday, gaar ahaan marka xilliga roobku uu gadaal uga dhoco markii uu di'i jirey.


Magacyada dhirta soomaaliya ka baxda waxaa kamid ah: Galool, qurac, qansax, cadaad, dhamas, geed-hindi, laama-looyo, hareeri iyo kuwo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karin.
Waxa kale oo duurka ama baadiyaha soomaaliya, gaar ahaan dhanka koonfurta, ku nool xayawaano fara badan.


Waxaana kamid ah: Dhurwaaga, dawacada, libaaxa, haramcadka, doofaarka, gorayada, deerada, cawsha, biciidka, sagaarada, dameerfarowga, jeerta, wiyisha iyo weliba noocyo farabadan oo shimbiro ah.



xoolaha
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ


XKhayraadka ugubadan ee Soomaaliya leedahay waa xoolaha nool.




Xooluhu waa meesha dakhliga ugu badan iyo nacfiga ugu wanaagsani waddanka Soomaaliya kasoo galo.




Xoolaha Soomaliya qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag adag, qaybna waxaa laga helaa hilib, caano iyo subag saafi ah. Waxaa kale oo xoolaha laga helaa harag, kaas oo ladhoofiyo, farshaxanna laga dhigo iyo weliba iyadoo baadiyaha haragga loo adeegsado roobceliye lagabbaadsado xilliga roobka.


Xoolaha Soomaaliya waxay isugu jiraan geel, lo' iyo ari. Qiyaas ay samaysay Qaramada Midoobey hay-adda u qaabilsan cuntada iyo beeraha (F.A.O) sannadkii 1967, waxay sheegtay in xoolaha nool ee Soomaaliya ahaayeen 10.6 million. Kuwaas oo ka koobnaa:-
2,800,000 Neef - Lo'
2,500,000 Neef - Geel
2,100,000 Neef - Ido
3,300,000 Neef - Riyo


Waqtiga qiyaastaas kore lasameeyey (1967), tirada dadka Soomaalidu waxay ahay 4.5 million. Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba lixdan (60%) waxay ku tiirsanaayeen xoolaha nool.


Beeraha
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ


Bedka Soomaaliya oo ah 63.8 million hecters [hektar] waxaa beerista ku haboon siddeed-meelood-oo-meel [1/8] ama 8 million hektar.


Waxaase labeeri jirey in yar oo keli ah.


Meelaha beeraha ugu haboon ee Soomaaliya waa inta ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliy.






Qiyaastii labada webi iyo dhexdooda waxaa beerista ku haboon 7.5 million hektar.


Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay Soomaaliya ka yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka.




Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag. Boqolkiiba-sagaashan (90%) Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha nool iyo beeraha .


Waxyaabaha kasoo go'a ama ka baxa beeraha Soomaaliya waxaa kamid ah: Moos[muus], cambe, liin-macaan[liin-balbeelmo], liin-dhanaan, galley, haruur[masago], babaay, sonkor[qasab], qare, seytuun, canab, rumaan, raqay[xamar], baradho, bataato,cudbi[suuf], yaanyo, dabacase[kaarooto], sisin[sinsin], iyo weliba qudaar [khudaar] kala gedgedisan.


Magaalooyinka Soomaaliya ee ku xeeran labada webi, beeridana ku haboon waxaa kamida: Beledweyne, Jawhar, Balcad, Afgooye, Baardheere, Shalambood, Jilib, Jamaame iyo Kismaayo iyo kuwo kale oo fara badan.


Marka laga reebo labada webi, meelaha kale ee ku haboon wax beerista waxaa kamida; gobolka Waqooyi-galbeed, halkaas oo cimilada iyo dhulkuba ku haboonyahay beerista.


Dhanka gobolka Bari waxaa kabaxa timirta.


Geedka timirtu waa geed ku haboon cimilada kulul.


Roobka ku da'a Soomaaliya oo yar awgeed, badanaa soomaalidu wax kama beertaan wixii kabaxsan labada webi.


Waana sababtaas midda ay soomaalidu u dhaqdaan xoolaha. Waayo waxaa u sahlan [reer guuraaga] in ay u guuran hadba meeshii roob kada'o.





Macdanta iyo Saliidda

Macdanta
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ




Soomaaliya waxaa ku jira macdan farabadan oo aan laga faaiidaysan.


Sababtoo ah macdantaas waxay u baahantahay maaliyan ama lacag fara badan iyo qalab casri ah iyo weliba dad aqoon iyo xirfad u leh macdanta.


Haddii aan wax ka sheegno qaybaha macdanta iyo meelaha ay ku jiraan, waa kuwan hoo ku qoran:
Berbera: Meel u jirta 15 km waxaa ku kaydsan Jibsam[Gypsum].




Waxaa kale oo Berbera agteeda laga helaa shamiitada.


Buur-hakaba: Waxaa lagu qiyaasay [1968] in ay ku jirto 120 million tons[tan] oo macdan ah, waxaana kamida Yuraaniyam iyo Thorium.


Ceel-buur: waxaa ku kaydsan macdanta loo yaqaan Sepiolite.


Diin-soo: waxaa ku kaydsan qiyaastii 50 million tons oo ah bir-dahaba ama[iro-ore].


Majayahan: oo u dhow Boosaaso waxaa ku kaysdan macdanaha kala ah Tiin, Gypsum,iyo Dahab.
Dhalan: oo u dhow Ceelaayo waxaa laga heli karaa macdanta loo yaqaan Tiin.


Xeebta Jasiira iyo Bacaadka Shalambood: Waxaa ku kaysdan Dahab.


Xaafuun iyo Hurdiye: Waxaa laga helaa Cusbada cuntada [salt].


Waxaa kale oo la sheegay in Soomaaliya ay ku jiraan gaaska dabiiciga ah iyo saliid [iol].


Waxaana laga yaabaa in ay jiraan macdano farabadan oo ku kaydsan Soomaaliya welina aan ladaahfurin.


Dhammaan macdanadaas aan kor ku soo xusnay xaqiiqa ahaan inta xaddiga ah ee waddanka ku kaysan lama hubo, waana qiyaaso iyo mala awaal lasameeyey.




Tirooyinka xusani ma aha kuwo lagu helay cilmibaaris qoto dheer.




Waxaana akhristayaasha ka codsaneynaa in haddii ay hayaan wax macluumaada oo arintaas ku saabsan ay noogu soo sheegaan emailka hoos ku qoran.




Saliidda (oil)


Soomaaliya waxaa ku jira Saliid farabadan oo aan weli siweyn looga faa'iideysan.


Haddii aan wax kaxusno goobaha hadda lagu hubo saliidda waxaa kamidda:
Saylac (Awdal)
Lascaanood agteeda (Sanag)Meelahaas oo ay ahayd meelihii uu ku socdey baadhistu intii xukuumada la ridin. Laakiin badanka somaliya lama wada baadhin.
afgooye (gaaska dabiiciga ah).


xadigiisuna aad u badan yahay.




Waxaan mahad ballaaran u jeedineynaa injineer Ibrahim oo caawinaad nagasiiyey arimaha muhiimka ah ee laxiriira saliidda Soomaaliya dhex jiifta.



Wershedaha
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ



Wershadaha Soomaaliya in kasta oo aysan aad u fara badnayn, hadana waxaa lagu qiyaasay in ay dhaqaalaha waddanka ku siyaadin jireen boqolkiiba-toban [10%]. Qaybo kamida wershadihii Soomaaliya iyo xilliyadii la asaasay waa kuwan hoos ku qoran:

Wershedda Sonkorta Jawhar:
1919 ayaa shirkad talyaani ah asaastay wershadda sonkorta ee jawhar. Sannadkii 1960 kii ayaa wershaddaas 50% kamida loo ogolaaday Soomaaliya.




Wax soosaarkeediina waa kan hoos ku qoran:
Sannad
Xaddiga Sonkorta
Waqtiga waxsoosaarka
1926
30 Tons
Maalintii
1968
35,000 Tons
Sannadkii
1969
40,000 Tons
Sannadkii
1970
41,000 Tons
Sannadkii
Wershedda Cusbada Xaafuun:


1922 ayaa shirkad Talyaani ah asaastay wershadda cusbada [solar Salt production].






Waxaan laga dhisay Hurdiye - xaafuun.


Wershaddaasi waxay soo saari jirtey cusbo dhan 250,000 ilaa 300,000 tons sannadkii. Waxaana wershaddaas hawlgab ku noqday dagaalkii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee 1940-1941.


Wershedda Caanaha Xamar:
1965 ayaa wershadda caanaha ee xamar shaqa bilawday.




Wax soosaar keeduna wuxuu ahaa 10,000 litir oo caano ah maalintii.


Wershedda Hilibka Kismaayo:
1968 ayaa la dhamaystiray wershadda hilibka ee kismaayo. Waxayna qali jirtey sannadkii 60,000 neef oo lo'ah, si ay u soo saarto 20 million oo hilib qasacadaysan ah.


Wershedda Kalluunka Laasqoray:


1969 ayaa la dhamaystiray Wershadda Kalluunka ee laasqoray.




Waxayna shaqo ku bilawday 5,000 tons oo qasacadood oo Toono ah sannadkii.


Wershedda Dharka Balcad:


1969 ayaa la dhamaystiray wershadda dharka ee Balcad.




Waxayna soo saari jirtey dhar kala noocnooc ah, khaas ahaan dharka dugsiyada.


Waxaa kale oo xusid mudan wershedaha kala ah:
Wershadda Kalluunka ee Xaabo, Qandala, Weshadda Sonkorta ee Mareerey, Wershadda Birta ee Xamar, Wershadda Sigaarka iyo Tarraqa ee Xamar, Wershadda Baastada ee Xamar, Wershadda Shamiitada ee Berbera iyo kuwo kale.




Ogow akhristow in wershadahaas kor ku xusan dhammaantood ay hawlgab ahaayeen markii aan qorayey boggan, ogaantayda!.




Dadka
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ

Dhaqanka, luqadda iyo hab nololeedka dhamaan Soomaalidu waa iskaga mid meel kasta oo ay Soomaalidu kaga noolyihiin Soomaaliya.




Soomaalidu badanaa waa dad isugu jira ree-guuraa, beeraley, kalluumaysato, iyo kuwo magaalooyinka deggan. Afka ay kuhadlaan dadka Soomaalidu waa Af-Soomaali, waana af aad u qadiim ah, wuxuuna la bah yahay afka loo yaqaan Kushitik [cushitic]. Waxaase laqoray afka Soomaaliga sannadkii 1972kii.


Dhanka baadiyaha Soomaalida deggani waa dad aan meel ku negeyn oo had iyo jeer guur-guura. Waxayna dhistaan Aqal-Soomaali, kaas oo ah mid dhismihiisa iyo raridiisuba ay sahlan tahay.




Reerguuraagu waxay dhaqdaan xoolo ,kuwas oo noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha ay ka helaan xoolaha nool.


Soomaalida reer guuraaga ah waxay aad u qiimeeyaan geela.




Geelu wuxuu u leehay Soomaalida manaafacaad badan, waana daabadda ugu muhiimsan oo ay haystaan, inkasta oo meelaha buuraha iyo qararka ay muhiim kayihiin dameeruhu.


Soomaalida deggan labada webi iyo inta ku xeeran waa dad beero falato ah, waxayna dhistaan guryaha nooca loo yaqaan cariish iyo mudul.


Nolol maalmeedkooda waxay kasoo saaraan beeraha, iyadoo dhulka webiga agagaarkiisa ah uu yahay mid aad ugu habboon waxsoosaarka.




Waxay lasoo baxaan miro fara badan iyo weliba khudaar [qudaar] kala nooc nooc ah. Dhanka badda Soomaalidu aad ugama faaiidaystaan.




marka laga reebo magaalooyinka Baraawe iyo Caluula oo dadka kunool labadaas magaalo ay si weyn uga faa'iidaystaan khayraadka dhexjiifa badda dheer ee soomaaliya.


Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka, badanaa waa dad ganacsato ah.




Waxayna u kala baxaan qayb dibedda wax kasoo dejisa iyo qayb waddanka dhexdiisa ka ganacsata.


Waddanka gudihiisa meelaha ay ka ganacsadaan ama wax ku gataan waxaa kamida:dukaanno, macdaarro yaryar, tubaaka-hayo [tabakaayo], firsho ama warato, suuqweyne [markaato], suuqa xoolaha, iyo kuwo kale.


Dadka Soomaalidu waxay ka kooban yihiinqabaa-il [qabiilooyin].


Akhritow waxaad xusuustaa in Ilaah uu bini-Aadanka ka dhigay shacabyo iyo qabaa'il kala gedgedisa.




Sidaas daraadeed waa in aad ogaataa in uu san qabiilku ahayn sida Soomaalidu ay u tarjuntey.


Waxaad eegtaa waddamada deriska la ah soomaaliya, sida Kenya iyo Ethiopia.




Waxay waddamadaas dadka ku dhaqani si rasmi ah u adeegsadaan qabiilka, waxaadna arkeysaa in la dhehayo nika madaxda ah ee kenyaatiga ah, tusaale ahaan, waa Kalanjiin ama masaay.




Xataa u fiirso Soomaalida Jabuuti waxay si caam ah kuu oranayaan hebel oo Ciise ama Canfar (Cafar) ah, wax ku jabanna ma leh.




Maxaa Soomaalidu ugu dhaqantaa qabyaaladda oo qabiilka uga warwareegtaa. Jawaabta akhristahaan u dhaafay.


Tirada dadka Soomaalida waxaa lagu qiyaasay sida hoos ku qoran:
3,253,024 [waa qiyaastii tira koob lasameeyey bishii Febraayo ee sannadkii 1975]
7,114,431 [waa tira koobkii 1986 - 1987]
9,204,000 [tirakoob ay samaysay hay-adda qaramada midoobey sannadkii 1992]


Waxaa la qiyaasay in tirada Soomaalida sannadkiiba ay ku kororto boqolkiiba saddex ama 3%. Ilaah ayaa xaqiiqada og.

Taariikh
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ



Inagoo aan halkaan ku soo wada koobi karayn taariikhda Soomaaliya, waxaan in yar ka xuseynaa taariikhdii iyo magacyadii hore ee Soomaaliya.


Waana kuwan hoos ku qoran:
Faraaciyiintii hore ee masaaridu waxay Soomaaliya u aqoon jireen dhulkii udugga ama "land of Punt".




Waxayna Soomaaliya caan ku ahayd Maydiga iyo fooxa, kuwaas oo boqorradii faraaciyiintu isticmaali jireen qarnigii 15-aad B.C. [ciise-hortii].


Roomaaniyiintii horena waxay u aqoon jireen dhulkii aan la-aqoon [Terra Incognita].


Carabtii iyo Beershiyiintii hore waxay Soomaaliya soo gaareen qarnigii 7-aad. Meelaha ay carabtu timid waxaa kamid ahaa Muqdisho, Warshiikh, Marka, baraawe, Saylac, Berbera, Bender-Cabbas [Boosaaso].


Haddii aan wax kaxusno taariikhaha dhow waxaa kamida kuwan hoos ku qoran.
Woqooyiga Soomaaliya
1827 ayaa odayaal iyo jiifaf katirsanaa Woqooyiga Soomaaliya ay heshiis lagaleen Ingiriiska, waxaana ku xigey heshiisyadii 1881-1886 oo ahaa in Ingiriisku qabsado Qoqooyiga Soomaaliya [British Somaliland].


Sannadkii 1899 ayaa Seyd Maxamed Cabdulle Xasan asaasay ciidankii la baxay Daraawiishta oo xaruntoodu ahayd Taleex.


Ciidankaas oo kasoo horjeedey Ingiriiska.




Dagaal dheer oo uu lagalay Ingiriiska kaddib, Seyd Maxamed wuxuu ku dhintay iimey. Waxaa Ingiriisku xorriyad siiyey Woqooyiga Soomaaliya June 26, 1960.


Koonfurta Soomaaliya


Bilowgii qarnigii 18-aad waxaa xeebaha koonfureed waxaa qabsaday Salim Al Samimi, kaas oo ahaa Suldaan Cumaani ah oo taageera ka haystey Sinsibaar.




Kaddib wuxuu xeebahaas ka iibsadey dawladdii talyaaniga sannadkii 1889.


Dhammaadkii 1889 Talyaanigu wuxuu dareemay inuu cadaadis kala kulmay qabsashada xeebaha Soomaaliya.




Isla waqtigaas ayuu Talyaanigu heshiis lagalay cuqaashii Soomaaliyeed ee joogtey xeebaha Waqooyiga-Muqdisho. Kaddibna Talyaanigu wuxuu Soomaaliya kasoo galay Raas-Gardafuul oo u dhow Caluula.




Muddo kaddib, sannadkii 1941 ayaa Ingiriisku qabsaday dhulkii koonfureed ee Talyaanigu xukumey.


1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan.




21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil.


April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.

Dhacdooyin Muhiim ah


Qaybtaas waxaan kusoo qaadanaynaa dhacdooyin iyo taariikho kooban, kuwaas oo kala ah sida hoos ku xusan:
S.Y.L.[Somali Youth League]
Wuxuu ahaa xisbi gobanimo doon ah oo ka asaasmay koonfurta Soomaaliya.


S.N.L.[Somali National League]
Wuxuu ahaa xisbi xorriyad doon ah oo ka asaasmay Woqooyi Soomaaliya.
Maarso 1959
waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya.




83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.
26 June 1960
waxaa xoroobeyi Woqooyiga Soomaaliya.


1 July 1960
waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur.


1960
waxaa Soomaaliya xukunkeeda qabtay madaxweynihii ugu horeeyey oo magiciisa layiraahdo Aden abdullahi Cusmaan, oo ku magacdheer Aden Cadde. Ra-iisal wasaarihii ugu horeeyeyna wuxuu ahaa Cabdirashiid Cali Sharma'arke.


1964
Waxaa laqabtay doorasho kale, waxaana markale si weyn ugu guuleystey xisbigii SYL.




Waqtigaas waxaa ra-iisalwasaare loo doortay Cabdi-risaaq Xaaji Xuseen.
1967
Waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Cabdi-rashiid Ali Sharma'arke.


Maarso 1969
Waxaa laqabtay doorasho, waxaana ku guulaystey xisbigii SYL.


Doorashadaas waxaa ka qayb galay:
1,000 musharax, 68 Xisbi, 124 kursi ayaana loo tartamayey.


Waxaana Soomaalidu doorashadaas u yaqaanaan "vote khasaaray".


15 Oktobar 1969
Waxaa ladiley Cabdirashiid Cali Sharma'arke isagoo booqasho ku maraaya gobolada Soomaaliya.


21 Oktoobar 1969
Maxamed Siyaad Barre ayaa xukunkii inqilaab ku qabsaday.


1972
Waxaa laqoray Af-Soomaaliga.


1973-1974
waxaa la hirgeliyey barnaamijkii "Ololaha Af-Soomaaliga", kaas oo hal-hayskiisu ahaa "Bar ama Baro".


1974
Soomaaliya waxay ku biirtay ururka carabta.


Waqtigaas Siyaad Barre wuxuu madax ka noqday ururka afrikada midowdey - OAU.


1974-1975
Waxaa dhacday abaartii dabadheer, waxayna abaartaasi dhibaato weyn u geysatey xoolaha. Taasina waxay sababtay in dad badan loo raro magaalooyinka Sablaale, kuntuwaarey, iyo Baraawe.


1976
Waxaa la asaasay xisbigii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed.
June 1977
Waxay ahayd xornimadii Djabuuti.

1977
Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya.




Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u guratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.


April 1978
Waxaa dhacay inqilaabkii dhicisoobay.


1983
Waxaa lajoojiyey [la laxaaraam tinimeeey] kaganacsiga iyo cunitaanka Qaadka.




Waxaase xukunkaas laga noqday oo qaadkii dib loo ogolaaday sannadkii 1990.


23 May 1986
Siyaad Barre ayaa ku dhaawacmay shil-gaari oo kadhacay wadada u dhexaysa Xamar iyo Afgooye. Waxaana lagu soo daaweeyey Sucuudiga.


June 1990
Ururka loo yaqaan "Maanafesto" ayaa Siyaad Barre ugu baaqay in uu iscasilo.




Wuxuuna Siyaad Barre ku jawaabey isagoo xir-xiray dad badan oo uu ku jirey madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya Aden Cadde.


27 January 1991
Siyaad Barre wuxuu kabaxay magaalada Xamar.


Taasi waxay ahay taariikh kooban ee Soomaaliya intii kahoreysey 1991.
Haddii ay jirto taariikh muhiim ah oo aan kategey, fadlan iigu soo sheeg email.


Dhismayaal Taariikhi ah
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ


Qaybtaan waxay ku saabsan tahay dhismayaal taariikhi ah iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya, waana kuwan soo socda:
Masjidka Fakhradiin ee Xamar waxaa ladhisay 1269.


Masjidka Shiikh Cabdulcasiis ee Xamar waxaa ladhisay 1210 sano kahor .
Dekedda Kismaayo waxaa ladhamaystiray November 1968 .


Dekedda Berbera waxaa ladhamaystiray sanadkii 1969 .


Taalada Dhagaxtuur waxay xusuus u tahay dhagaxtuurkii xorriyad doonka ahaa ee dhacay 5 October 1949.


Madxafka Qaranka [museum] wuxuu ahaan jirey gurigii Siciid Barqash qarnigii sagaalaad dhexdiisii iyo qarqinigii tobnaad .


Waxaa kale oo xusid mudan dekeddaha Xamar iyo Boosaaso .


(Taariikhihii la asaasay oo rasmiya mahayn markaan qoraalkaan samaynayey)
Shirkadda Dayuuradaha ee Soomaali Airline waxaa la asaasay sannadkii 1964 .


Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya waxaa kamida:
Garoonka Muqdisho: oo ah 2,500 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
Garoonka Hargeysa: oo ah 2,250 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
Garoomada kale ee Soomaaliya waa: Garoonka Kismaayo, Burco, Ceerigaabo, Boosaaso, Caluula, Qardho, Eyl, Qandala, Gaalkacyo, Hobyo, Iskushuban, Ballidoogle, iyo kuwo kale.

Bilic-Samida Soomaaliya
W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ




Soomaaliya waa dhul aad u quruxbadan.


Buuraha, webiyada, xeebaha, togagga, dooxooyinka, balliyada, dhirta, ugaarta, xoolaha, beeraha.




dhammaan kuwaasi waxay ka midyihiin bilicda ilaah ku mannaystay dhulka Soomaaliya.


Soomaaliya in ay tahay dhul aad u qurux badan oo qadiimi ah waxaa caddaynaya dhismayaasha aadka u da'da weyn iyo goobaha bilicda san ee kuyaal qaybkasta oo waddanka Soomaaliya kamida.


Haddii aan meelaha bilicda san ee Soomaaliya inyar kasoo qaadanno waa kuwan:
Beeraha mooska iyo cambaha ee Afgooye
Bacaadka Shalanbood
Gacal Libaax [Hargeysa]
Ceelaayo iyo Qaw
Webiyadda Jubba iyo Shabeelle
Karin Heegane oo u dhexeeya Laasqoray iyo Ceelaayo
Hilayo oo udhow karin-heegane
Biyaxireenka Baardheere
Xeebta Jasiira
Togga Baalade oo udhow Boosaaso
Buuraha Sil-siladda Goolis
Ceelka Yamayska oo u dhow Gaalkacayo
Xeebta Warsheekh
Buurta Baxaya iyo Buruc
Gacan-boogame oo u dhow Laascaanood
Dooxada Ceeriye oo u dhow Qardho iyo Iskushuban
Afgooye, Balcad, Xamar, Baraawe, Marka, Hobyo, Eyl, Saylac, Hargeysa, Burco, Kismaayo, Boosaaso, Jilib, Jamaame, iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi karin.


Sheekooyinka Qadiimka ah ee Soomaalida waxaa kamida:


Dheg-Dheer iyo Boholaha Xargaga
Araweelo iyo Oday Biiqay
Wiil-Waal iyo Afadiisii
Aw-Geedi Baabow iyo todobaadka arooska
Cigaal Shiidaad iyo Fulaynimadiisii
Waxaan akhristayaasha markale xusuusinayaa in qoraalkaan aan ugu talagalay aqoon isweydaarsi iyo aqoon kororsi.


Waxaan idinku casumayaa in ay ii soo gudbisaan fikradiina kusaabsan qoraalkan


W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ
E-mail: baawaziir10@hotmail.com

addess: ANKAR/TÜRKEY


16 Temmuz 2009 Perşembe

DHİBANAYAASAH SİYAADDA QAYBİ OO XUKUN LAGU BAHDİLYA..!!





























DHIBANAYAASHA SIYAASADDA QAYBI OO XUKUN !!




W.D. Maxamed XUSEEN Xaaji
ANKARA,TURKEY
Email: baawaziir10@hotmail.com

Marka hore daawo diifta ka muuqato dadkaas,runtii waa dad tawaalaysan!!!, lakin mar waliba maxay kaamiradda u qabataa dadka loogu yeero EELAAY??
Haa waa run,dhibaatada ka dhacday soomaaliya kaliya digil iyo mirifle gaar uma noqon, lakin waxaa caqliga saliimka ah diidaya in kaliya waxa tuugsado iyo diif ay ka muuqato ay yihiin EELAAY waxa ay ugu yeeraan,lakin micnaheedu yahay DİGİL & MİRİFLE.
BAYDHABO....!!!
Baydhabo Jan 11, 2001 (BP)-Dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool waa kuwo miranaya maanka qof kasta oo u dhashay qowmiyadda Digil iyo Mirifle, dibna usoo nooleeyay xusuusta murugada leh ee ay maskaxdooda ku reebtay siyaasadda gurracan ee qaybi oo xukun oo ay in muddo ah bar tilmaameed u noqdeen oo ah siyaasadda ay Soomaalidu inteeda kale qowmiyadda kula dhaqmaysay in muddo ah oo aan liishka marna laga wareejin.

Ujeedada maqaalkan waa in daaha laga qaado siyaasadan qallafsan oo ay kaabiye u noqdeen fikrado khiyaali ah oo aan aqoon iyo xog ku dhisnayn oo ay Soomalida kale qowmiyadan ka aaminsanyihiin.


Muddo hadda ka soo wareegatay dhowr sanadood ayaa oday u dhasahay qowiyadda Digil iyo Mirifle, gaar ahaan qabiilka Geledi la yiraahdo iiga sheekeeyay in asaga oo caruur ah oo kubbad ku ciyaaraya degmadda Afgooye ay caruurtii u ciyaaar wadaaga la ahaa oo Soomaali kale ahayd ku yiraahadeen, "war naga tag Eeelaayohow",

oo uu marka goobtii kubbada ka soocatay uu ka soo cararay oo asaga oo ordaya aabihii oo markaa guriga joogay soo dul istaagay, asaga oo la amankaaksan eraygan shakiga geliyay maadamaa uu asagu ku abtirsado qabiilka Gelediga oo afka Mayga ku waydiiyay " Aaw any Eelaya eha"? oo micnaheedu yahay, Aabe ma Eelaaybaan ahay? Odaygii wuxuu ugu jawaabay "Aa uwoow uung Ilaahay ya eti" oo micnaheedu yahay, Aaabe abuur Ilaahaybaa tahay (Ilaahay baa ku abuurtay)! Odayga halkii uu ka oran lahaa, waxaa tahay Geledi oo ma tihid Eelaay waxaa uu siiyay jawaab toosan oo laakiin aan si toos ah uga jawaabayn su'aasha wiilkaa yar.

Wuxuu yiri Aabahay jawaabtii uu bixiyay ayaa iiga yaabka badnayd hadlkii ay caruurtu ku yiraahdeen, wuxuna dib ugu soo laabtay kubad ciyaarkii asaga oo yaaban.

Dhacdada noocan ah waxay daliil u thay laba shay: marka hore waxay muujinaysaa aqoondarrida ka soo billaabata caruurnimada ee Soomaalida ka haysta in ay kala saaraan Eelaay oo ah hal qabiil oo ka mid ah qabiilada qowmiydda Digil iyo Mirifle iyo qabiilada kale ee Digil iyo Mirifle.


Tan labaad, waxaa ay dhacdadan tilmaamaysaa in isku aqoonsiga qabiil inkasta oo uu qabiil kasta oo qomiyadda Digil iyo Mirifle ah sida Soomalida kale uu abtirsigiisa iyo jilibyadiisa uu leeyahay hadana marka ay timaado isku aqoonsi qabiil uusaan miisan culus lahayn iyagoo taas kaga duwan Soomaalida kale.

Run ahaantiina dhaqankan waa dhaqan ilbaxnimo oo ay dadyowga Soomaalida kale kaga sareeyaan balse aan loo ictiraafin. Deegaan in la isku aqoonsado waa wax shucuubta hore u martay dhaqan u ah.Tusaale ahaan marka aad ku safarto dalka Taliyaaniga oo aad waydiso qofka halka uu ka sooi jeedo wuxuu kuugu jawaabayaa waxaan ahay (Napolitan) ama reer Napoli.


Qof Digil iyo Mirifle ahna marka aad waydiiso yaa tahay? wuxuu kuugu jawaabayaa: waxaan ahay reer Baydhabo, Diinsoor IWM, halkii uu ka oran lahaa waxaan ahay reer Suubow, Maamow IWM oo ah jilibyo qabiil.


Taas oo la oran karo waxay saldhiga u tahay aqoondarrida ay Soomalida kale ka qabaan dadyowgan, oo sababtay in lagu tilmaamo dad ka kooban qabiillo isu tegay oo kasoo kala jeeday qabiilada kala gedisan ee Soomaalida oo aan dhiig iyo dhaxal wadaagin oo si fudud loo kala qaybin karo, maadaama ay la'yiihn wax isku dhejiya ama isku xira oo dhidabo qabiil ama dhalasho qoto dheer aysan ka dhaxaynin oo sida tusbaxa ukala firdha taas oo aasaas u ah siyaasadda gurracan ee qaybi oo xukun oo ay dawladihii isdaba jooga ahaa ee Sooomaalida soo maray u adeegsanayeen qowmiyaddan oo bartilmaameed u noqday siyaasaddan, oo maantadan aynu joogno sidii hore u nool, waana dulucda sadarrada soo socda bidhaaminta taariikh kooban oo ku saabsan siyaasadan ay dadyowga Digil iyo Mirifle ay dhibanayaasheedu yihiin.


Markii uu isticmaarki Taliyaaniga ka soo degay xeebaha Banaadir dabayaaqadii qarnigii 19aad ayaa sida caadudu u ahayd dhamaan quwadihii gumaystyaasha ahaa waxaa tallaabadii ugu horraysay ee uu qaaday ahayd ka faa'iidaysiga khayraadkii dabiiciga ahaa ee uu lahaa dhulka Soomaalida. Khayraadkan waxaa ugu waynaa dhul beereed oo uu isticmaarkii Taliyaaniga durbadiiba la wareegay.

Marka laga reebo deegaanka Jowhar dhul beereedkii uu isticmaarku la wareegay, waxaa uu dhamaanba deegaankii u gumaystaha la wareegay dhaxal awoowe u lahaa dadyowga Digil iyo Mirifle.


Hadaba isticmaarka asaga oo maanka ku haya in dadkan dhulka lagala wareegay oo ah dadyowga Digil iyo Mirifle ayaa had iyo jeeraale oo ku jirtay dareenka ah in ay dadkan aasaas u noqon doonaan ka dhiidhinta gumaysiga ayaa waxaa uu kula dhaqmayay siyaasad ka duwan tii uu kula dhaqmayay Soomaalida kale.


Dhinaca waxbarashada isticmaarku wuxuu u eexan jiray Soomaalida kale iyadoo badi ciidamadii gumaysiga u adeegayay ay ahaayeen Soomaalida kale.

Taas waxay u horseeday dadyowga Digil iyo Mirifle in ay hormuud u noqdaan u dagaalanka gobonimada Soomaliyeed.

Tusaale ahaan Madaxweynihii ugu horreeyay ee ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth Club (SYC) ee gobonimodoonka ahaa waxaa uu ahaa Cabdulqaadir Sakhaawadiin oo ahaa halgamaa u dhashay qowmiyadda Digil iyo Mirifle.

Siyaasiyiintii u dhalatay Digil iyo Mirifle iyaga oo ka dheregsan xaaladda umadda ay ka dhasheen, dareensanna cadaalad darradii taariikhiga ahayd, laga soo billaabo xilligii bilowga isticmaarka oo ay ka mid ahaayeen dhul beereedkii lagala wareegay, waxbarashada oo lagala dagaalamay iyo badi ciidamadii uu gumaystuhu qortay oo ay si xad dhaaf ah ay Soomaalida kale taliskiisa gacanta ugu haayeen ayay u guntadeen xuquuqdooda siyaasadeed.


Waxaa kaloo xusid mudan in intii uu socday u diyaar garowgii gobonimada ee uu dalka ka jiray ismaamul hoosaadka (Dawladii Daakhiliga) ay iyaduna si xad dhaaf ay jagooyinkii howlwadeenada dawladu loo tababarayay ay Soomalida kale fara maroorsadeen.

Xilligaas oo ahaa xilli uu majarah xukunka dalka ay Soomaalidu qabsanaysay ay siyaasiyiintii Digil iyo Mirifle abureen xisbi u dooda xuquuqda siyaasadeed ee dadyowgooda.Taas oo wadanka ka abuurtay in ururkii qowmiyadan u ololeeynayay loo arko khatar siyaasadeed iyo in magaca laga dhoobeeyo oo laguna tilmaamo urur gumaysi u adeega.

Iyadoo taasna xaqiiqda ka fogayd oo uu ururku ahaa urur qowmiyadeed oo si dimuqraadi ah ugu ololeeynayay xaqa dadka uu matalo.

Muuqaalka siyaasadda Soomaaliya dabayaaqadii kontomeeyadii oo ahaa xilli tabaabushe loogu jiro madax banaani wuxuu ahaa wakhti ay duruufaha siyaasadeed ee qowmiyada Digil iyo Mirifle ay aad u qallafsanayeen marka la eego waxa ku soo food lahaa Digil iyo Mirifle xilligaas kala guurka ahaa.
Sababta oo ah mabaadi'idii uu urukooda u doodayy oo ay ka mid ahaayeen hanaanka Federaalka waxaa laga tuuray daaqadda.

Sababta ay nidaamka Federaalka qowmiyadda Digil iyo Mirifle ugu doodaysay ma ahayn sababo siyaasadeed oo keliya oo waxay dareensanayeen in duruufihii uu isticmaarku abuuray ay ayagu khasaaro ba'an u ahayd oo ay lama huraan ahayd in dib loo saxo cadaalad darradii iyaga ku habsatay.

Wadada keliye oo ay ku hanan lahaayeen xaqa ka maqanna uu ahaa nidaamka Federaalka oo ah nidaam u saamixi lahaa in ay geyigooda ka teliyaan oo ay dhulka ay dhaxal awoowe u lahaayeenna ay hantiyaan oo ay afkooda iyo dhaqaankooduna si xor ah oo aan faragelin lahayn dhulkooda uga fuliyaan.

Nasiib darro riyadoodii ma dhaboowin.Markii uu curtay qaran Soomaaliyeedna waxaa uu curtay iyaga oo dareensan in xaqii iyo kaalintii ay ku lahayeen qaranka cusub ay gabeen. Iyagoo dareensan in ay ku hungoobeen hadafkoodii siyaasadeed ayay hadana halgankii siyaasadeed halkiisii kasii wadeen.

Waxaana halgankaas astaan u ahaa ururkii Xisbiyada oo ahaa xisbi matala danaha dadyowgan oo ahaa xisbiga mucaaradka ee dalka ugu waynaa, kuraas badanna ku laha Baarlamaanki rayidka ahaa oo uu xisbiga SYLna u arkayay khatarta ugu waynaa ee siyaasadeed.

Si loo baab'iyo himiladii iyo yoolkii ururka Xisbiyada ururka SYL wuxuu dadaal u galay sidii ay tafaraaruq ugu dhex abuuri lahaayeen ururka xisbiyada.


Dhab ahaantiina way ku guulaysteen in ay kala jebiyaan ururka oo waxaa ururka ka soo baxsaday siyaasiyiin caan ku ahaa ururka Xisbiyada oo ku biiray ururka SYL ee uu Xisbiyadu loolanka siyaasadeed ka dhexeeyay.

Waxayna ahayd guushii ugu horreeysay ee siyasadda qaybi oo xukun ee ka dhanka ahayd qowmiyadda Digil iyo Mirifle.Markii uu kacaan ku sheegii inkaarnaa uu majarah xukunka qabtay waxaa qomwiyadda u furmay bog cusub oo murugo leh. Waxaana lagula kacay falal fool xun oo ihaano iyo ixtiqaar ku dheehantay.

Waaxaa tusaale cad u ha quursigii siyaasadeed ee kacaan ku sheega kula kacay dadyowga Digil iyo Mirifle in uu afgembigii ka dhacay dalka oo ay ciidamada kula wareegeen hogaanka dalka in shantii xubnood ee ugu sareeysay golihii sare ee kacaanka ee talada dalka hayay oo bidhaan ahaan u muuqday isu dheelitir la isu dheelitirayay beelaha Soomalida aan si ula kac lagu soo darin xitaa hal xubin oo ay iyaga iskaga dhex arki karaan golihii dalka hagayay.

Intii xukunka militeri uu dalka ka jirayna siyaasaddihii gurracnaa ee lagu kala qaybinayay dadyowga Digil iyo Mirifle marna hakad ma gelin oo waxaa ay noqdeen dad galay hurdo dheer oo siyaasadeed oo dhul beereedkii ay lahayeenna si xaaraan ah dad kasoo barakacay deegaamo oomane ah loogu wareejiyay.

Markii xukunka laga tuuray dawladii militeriga, waxaa dadyowga Digil iyo Mirifle ku abuurmay yididiilo ah in bog cusub oo taariikhdooda ah uu furmay oo ay markii ugu horeeysay in ka badan sagaashan sanadood (laga soo billaabo maalintii uu gumaysiga soo caga dhigtay xeebaha Soomaaliya) ay dhamaan khladaadyadii iyo cadaalad darradii ku habsatay dib loo sixi karo.

Hase yeeshee nasiib darro yididiiladan waxay isu rogtay "Kud ka goor oo qaanjo u guur".

Iyadoo la adeegsanayo siyaasadda qaybi oo xukun ayaa ururkii qowmiyadan matalayay ee SDM loo kala jejebiyay qaybo kala raacsan garabyada siyaasadda ee Soomaalida kale taas oo wiiqday midnimadii u horseedi lahayd tabar xoogan oo miltiri oo ay ay ku difaacaan hantidooda, karaamadooda iyo deegaamadooda taariikhiga ah noqotayna qowmiyad tabar yar oo xitaa aan awood u lahayn in ay yeesheen hogaan militeri oo ay iskaga caabiyaan kooxaha leh dhaqanka gaamuray ee booli quudashada.

Waxaana laga wada dheregsanyahay in magaalada Baydhabo xudun u noqotay tabaaladii xagga beni-aadannimo ee soo martay Soomaalida taariikhda la xasuusan karo.

Dhacdooyinkii Baydhabo waa kuwo ku adag in uu fahmo qof deegaankaas ku dhashay(aniga), ku koray ama kasoo shaqeeyay! Waxaan aniga shakhsiyan xasuustaa in waagii dagaalkii sokeeya ee dalka Mozambique uu socday in gawaari kolonyo ah oo sitta sumadda hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ay magaalada Baydhabo iyagoo buux dhaafay lagaga rari jiray dalagyada kala duwan ee ka soo go'a beeraha deegaankaas si oo ay ganacsatada magaalada hay'adaas qandaraas la gashay si loogu quudiyo qaxootigii ku tabaalaysnaadalka Mozambique.

Waa su'aal madax daalinaysa in laga jawaabo su'aasha ah : Maxay magaaladan hodanka ku ah noocyada kala duwan ee miraha beeraha kasoo go'a iyo xoolaha noolba ay xudun ugu noqotay gaajadii ugu xumayd ee ka dhacda dhul Soomaali ay degto?Markii uu aduun waynaha danqaday muuqaaladii murugada lahaa ee lagu baahiyay idaacadaha la iska arko ee aduunka oo gurmadku soo gaaray oo ay naftu ku soo noqatay dadweynaha deegaankaas ayaa waxaa dhowr sanadooda ka dib markii ay soo kabsadeen ay waxgarad iyo siyaasiyiin u dhashay qowmiyadda Digil iyo Mirifle aasaaska u dhigeen maamul goboleedkii ugu horreeyay ee ka curtay Soomaaliya, marka laga reebo Somaliland.

Waxaaa durbadiiba maamulkaa kala didiyay kooxo aan ku faraxsanayn in dadyowga Digil iyo Mirifle ay cagahooda ku istaagaan iyagoo isticmaalaya siyaasadda qaybi oo xukun ayaa waxaa weerarkooda ku weheliyay kooxo dabadhilif ah oo iyaga u adeega.
Dhacdadan waxay sababtay in magaalada Baydhabo muddo dhowr sanadood ah ay ku amar ku taagleeyaan kooxo qoowleeysato ah oo dhaqankii islaamka iyo ilbaxnimaba uu ka suulay kuna xadgudbay mabda'a ah: Soomaali dhulku way wada leedahay, hadana way kala leedahay.

Oo ah mabda'a mandiqi ah oo uu bin-aadankuba iyagoo walaalo ah oo uur hooyo wadaagay hadana hantidoodu kala leeyhiin. Marka ay timaado heer qaranna mabd'aan sidiisu uu taagnaanayo oo muwadiniinta ay kala leeyihiin hantidooda iyo deegaamadooda.

Waxaa ka dhiidhiyay dhul ballaarsigan qaawan ee lagu kala jeexay dhulka dadyowga Digil iyo Mirifle ururuka xaq u dirirka ah ee RRA oo aan si gabasho ku jirin ugu istaagay xuquuda qowmiyadda Digil iyo Mirifle aakhirkiina ku guulaystay in uu soo celiyo qaybo ka mid ah deegaamada taariikhiga ah ee ay dhaxal awoowe u leeyihiin dadyowga Digil iyo Mirifle haatanna halgan ugu jira in uu soo celiyo inta harsan.

Waana urur ay kooxaha dareensan in halganka ururkan uu halis gelinayo cadaalad darada qaawan iyo sida xaaranta ku jirta oo ay ugu tanaadeed burburkii qaranka Soomaalida oo maanta Soomaali inteeda kale ay ka wada dheregsantahay in ay si booli ah ah ku hanti fara badan oo isugu jirta dhul bereed, deegaamo iyo noocyada kal duwan oo hanti ah ay dadaal aan kal go' lahayn ugu jiraan in ay magaca ururkan dhoobeeyaan iyagoo halkudheg ka dhiganaya erayo ay ka mid yihiin:
"RRA, waa dabadhilif Xabasho, waa urur gumaysi u adeega" IWM" iyagoo indhaha ka daboolanaya dhaqamada lala fajaco oo ka baxsan caadooyinkii Soomalida oo ay ku dhaqmayayeen intii uu dalka kala burburay hadana weli ku dhaqmaya iyada oo la joogo qarniga 21aad oo wacyiga muwaadiniinta Soomaaliduna uu aad u sareeyo oo aan qolona xaqeeda laga fara maroorsan karinKooxdan aan carababay waxay iyadoo oo adeegsanaysa siyaasadihii halaaga iyo baab'a u horseeday dadyowga Digil iyo Mirifle ee qaybi xukun mar kale ku tallaabsadeen markii uu furmayay shirkii Carta iyagoo durbadiiba ku dadaalay in ergadii Digil iyo Mirifle shirka uga qayb gashay tafaraaruq ku kala ridaan. Isku daygoodii ugu horeeyay wuxuu ahaa in marka hore ay ruux iyaga u adeega helaan.


Run ahaantii way heleen, waxayna ku guulaysteen in ay shirka ka weeciyaan tubtii la filayay markii hore oo ahayd in dawladii ka dhalata shirka ay noqonayso mid ku dhaqanta nidaamka Federaalka iyo in dhulka xooga lagu haystana laga raro kooxaha caadada waxshiga ah leh ee caadada ka dhigtay ah in la dul saarnaado deegaamo ay beelo kale leeyhiin.

Dawladaa lagu soo dhisay Carta waxaa hubaal ah in uu qof kasta oo Digil iyo Mirifle u dhashay uu ka dheregsanyahay in ay ku dhalatay siyaasadda qaawan ee qaybi oo xukun oo ay had iyo jeeraale dadyowga Digil iyo Miriflana dhibanyaashedu yihiin

.Waxaa marag ma doonto ah in Socdaalkii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Carta uu ugu kictimay degmada Tiyeeglow ee deegaanka Bakool uu ahaa mid si bareer ah ay kooxda Carta u istcmaalaysay siyaasadda gurracn ee sida takooran loogula dhaqmo dadyowga Digil iyo Mirifle oo ah in mar walba ayaga la isu adeegsado oo ay geesaha is daraan oo raqdooda la dhigo oo ka dibna loo taliyo.

Waxaa daliil u ah in booqashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Carta ay ahayd mid uu ku fulinayay dano ka dhan ah dadyowga Digil iyo Mirifle asagoo doorbiday in uu gawaari kolonyo ah ay asaga iyo wefdigiisa ku safreen oo ay hareeraha ka gelbinayeen maleeshiyo hal qabiil halkii ay asaga iyo wefidigiisu ku safri lahayeen dayaaradaha maalin walba isaga goosha Muqdisho iyo Baydhabo ee duulimaadyada jaban leh oo aan filayo in kharashka kolonyada gawaarida ah kaga baxday kooxda Carta ka yar uu ka bixi laha hadii aasaga oon la socon ilaalo maliishyo qabiil oo aan deegaanka u dhalan uu Baydhabo ka degi lahaa.


Waxaa hubaal ah in dad badan oo anigan qoraalka qorayaba ka mid ahay kasoo horjeesan lahaayeen in asaga oo aan la socon ilaalo hubaysan oo fikradihiisa siyasadeed cabiraya lagu caburiyo deegaanka uu kasoo jeedo.

aas ma dhicin, oo waxaa uu gudoomiyihu damacsanaa in mar kale uu maro tubti dhaqankii siyaasaddi qaybi oo xukun si uu u kala dilo dadyowga Digil iyo Mirifle oo ay dhamaantooda ka wada dheregsenyhiin in ay u horseeday quursiga siyaasadeed ee ay Soomaalida kala kula dhaqmaysay in muddo ah.

Waxaan qoraalkan ku soo gunaanadaya in qof kasta oo u dhashay Digil iyo Mirifle uu maankiisa geliyo in siyaasaddan aan hore usoo xusay ee ah qaybi oo xukun uu liishaankeedu ayagu saaran yahay ayna tahay siyaasad gaamurtay oo ay iyagu bar tilmaameedka u ahaayeen muddo dheer oo u horseeday dhibaatooyinka taariikhiga ahaa iyo kuwa hadda taaganba ay ka feejignaadaan.
Waa in ay casharadii hore u soo maray ka tusaale qaataan oo aan godkan mar kale laga qaniinin.
waxaa xusid mudan khudbadii madax waynihii hore ee soomaaliya ABDİ QAASİM SALAAD XASAN ee laga soo doortay DJABOUTİ ee uu hooggaamiye ka ahaa dawladdii loogu magac daray CARTA, waxa uu yiri:

HADİİ RUN LA DOONAYO SOOMAALİDU QOLO WAA BEERATO,KUWA KALENA WAA RAACATO; EE DADKİİNAAS NOO DAAYO ANNAGA SUUQA, YACNİİ MAGAALADA.
Runtii taa micnaheedu waa: waligiini jaahil ahaada aan idin maamulno,siyaasad iyo hoggaanba noo daaya annaga.


W.D. Maxamed XUSEEN Xaaji
ANKARA,TURKEY

Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 - 2009


QURXDA BAARLAMAANKEENKA SOOMAALİYADİİ HORE DHİSMİHİİSİ BAL EEG....!!!

Taariikh Kooban Soomaaliya
: 1960 - 2009. Waxaa aruuriya:

________MAXAMED XUSEEN MAXAMED____________________July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa

intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.

June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].
Siyaad Barre

Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.
Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.

Jan 23, 1975 - Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.

April 9, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.*]
Xasuuqii Boorama 30 Jan 1984

Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).
Janaayo 30, 1984: Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka....
Aug 7, 1990 - Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.
Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.
Caydiid
Cali Mahdi
Nov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.
March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta.
April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka isga baxay.

Sept 19, 1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid oo ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta.
Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku.
Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta".

Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen.
May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Oct 3, 1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. Waagii dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay "Black Hawk Down".
March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray.
Jan 2, 1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria. [Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey 1919 ilaa January 2, 1995]
Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.
Aug 1, 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey.

[Caydiid waxa uu noolaa intii u dhexeysey December 15, 1934 ilaa August 1, 1996]
Haamaha Sunta: Waa kuwaa...1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo Progresso (Italian).

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.


May 2, 2000 - Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah.
Dr. C/Qaasim
Prof. GalayrAug 13, 2000 - Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra'iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr.

June 5, 2001 - Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.
May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aya ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Cigaal waxa uu noqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysey 26kii June 1960 ilaa 12kii July 1960. [Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002].

Oct 15, 2002 - Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
Sept 15, 2003 - Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah).
Aug 2004 - Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.
Col. C/Laahi
Prof. Geelle
Oct 10, 2004 - Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay Itoobiya taageersan tahay, ayey u doorteen madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.

Nov 3, 2004 - Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi.
Dec 1, 2004 - Ra'iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir.

Jan 31, 2005 - Waxaa magaalada Muqdisho ay dabley hubaysani toogasho ku dileen sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Hersi Cumar Dhorre, taas oo loo macneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub DFKMG.

- Midowga Afrika ayaa kulankoodii lagu qabtay Nigeria, waxay ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.

Feb 9, 2005 - Cusmaan Cali Caato (oo ay hay'adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga ay ka dhaxayso Soomaaliya.

Feb 24, 2005 - Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar. Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.


Xubanaha Baarlamaanka DFKMG oo kuraas isla dhacaya...
March 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa kulan uu Nairobi ku yeeshay baarlamaanka DFKMG kaga dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda wadamada safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya, waxana soo xaadiray xildhibaano gaarayay 217 Waxaa diiday safka hore 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka hore 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen, sidaas ayaana lagu ansaxiyay in baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la ah soomaaliya. Kaddib waxaa baarlamaanka ka dhacay dagaal feer iyo gacan iyo laad la isla dhacay, kuraasna la isu adeegsadey, qayb xildhibaanada ka mid ah ayaana halkaas dhiig lagaga daadiyey.

April 29, 2005 - Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uu u xaliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladu degi doonto iyo arrimha la axiriira ciidamada nabad ilaalinta.
May 3, 2005 - Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra'iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.
Sh. Xasan
Prof. Dalxa
May 11, 2005 - Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) (iyo carab) la geeyo Soomaaliya .
Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa.

May 12, 2005 - Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah afhayeenka Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono. Waxaa si cad u soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo.

May 13, 2005 - Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi. Ciidamadaas waxaa habeenimadii Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka.

Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan. Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go'aankaasi dhacayey ku sugnaa Addis-Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno, isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra'iisul wasaraha Itoobiya in Muqdisho ay joogaan waxa uu ugu yeeray "Argaggixiso" eedayntaas oo caado u ah Zenawi oo aan marna xusin qadiyada dhabta ah ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ah: Dhul & Dad ay gumeysato Itoobiya..
Jun 13, 2005 - Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad sagootin ah waxa uu u jeediyey reer kenya, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya ku sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004). Waxaa halkaas kusii sagootiyey madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan "State house" waxaa goob joog ka ahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG. Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra'uusul wasaaruhuna jawhar, baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiiradu waxay u safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.

June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay yemen ka dhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay madaxqweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba.

June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo dirayo Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu go'aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu go'aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.

Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.

January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Waxana ay kawada hadlen kulanka barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.

February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada".
February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004.

February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka "Argaggixisada."

March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka "Argaggixisada", dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in badana guryahoodii ayey ka qaxeen.

April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka "Argaggixisad" ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.
May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha dagaalka.
May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.

June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka.

June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka "Argaggixisada."

June4, 2006: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii la baxay la baxay dagaalanka "Argaggixisada, wasiirada xilka laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista - waxaana wasiiradaas laga saaray Golaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.

Sheikh Sharif Sh. Axmed
June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu maalintaas yiri "Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha."

June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri "Waxaan idin wadnaa Kitaabka..."
June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.
June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.

June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.

June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey "Somalia Contact Group". Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.

June 15, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga, Sheikh Shariif Axmed, ayaa madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ka aqbalay inay wada hadlaan...
C/Lahi Sh. Ismaciil & M. Cali Ibraahim
Geeddi oo mucaanaqaynaya Zenawi markii uu ka soo degey Muqdisho June 5, 2007...
Geeddi oo fiirinaya gaariguu lagu burburiyey qayb ka mid ah gurigiisa xilli uu ku jirey halkas.. June 3, 2007
Akhri: Waa Kuma Geeddi
June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa:
(1) In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari iyo xagga saxaafadda. (2) Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado. (3) in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime Trial). (4) Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya. (5) In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii qaranka, dib u dejin iyo horumarin.

June 24, 2006: Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah: Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo Golaha Shuurada Soomaaliyeed(ama golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed). Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh C/qaadir Cali Cumar.
Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro, xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay. Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada.

September 18, 2006: Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa qaraxaas ku dhintay dhawr qof oo uu ku jirey nin ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha DFKMG, waxaana gubtey dhawr gaari, waxana qaraxaasi uu ka dhacay meel wax yar u jirta halka uu ka socdey kulanka golaha Baarlamaanka DFKMG oo u fadhiyey cod bixin lagu ansixinayey gole wasiiro ah oo uu soo dhisay ra'iisul wasaaraha DFKMG, kulankaas oo ahaa meeshii uu ka soo baxay Cabdullaahi Yuusuf in yar ka hor intii aan qaraxu dhicin.

September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka baxay markii ay ciidamada Maxkamaduhu soo gaareen duleedka Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u kala jabay laba garab, sidaasna ay maxkamaduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo aan dagaal ka dhicin.

November 26, 2006: Waa markii ugu horeysey ee Ciidamo Itoobiyaan ah oo watey ilaa 50 Tikniko ah ay galeen magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya iyagoo ka faa'iidaysaney kala qaysanaanta Soomaalida.


December 28, 2006: Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka Baxay Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, oo yiri: "Waxan magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl gelayey." Waxana uu intaas ku daray in "maxkamadaha Islaamigu ay midaysan yihiin", waxana uu ka bixidda Muqdishu ku tilmaamay bedelaad xeeladeed. Waxaa markaas magaalaad Muqdisho galay ciidamada Itoobiya.

January 1, 2007: Maxkamada Islaamiga ayaa ka baxay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

January 17, 2007: Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG ayaa kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay.
Sh. Aden Madobe

January 31, 2007: Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Shiikh Aadan Madoobe.. [10-Musharax ayaa isku soo taagtay Xilka Gudoominimada Baarlamaanka waxaana markiiba iska casilay 3-Musharax, waxaana tartamay 7-Musharax iyadoo Aakhiritaankii ay isugu soo horeen 2-Musharax oo kala ah Shiikh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Max’ed Kiish Bur, waxaana 153-cod ku guuleystay Shiikh Aadan Madoobe halka Ibraahim Kiishbuur uu ka keenay 50-cod. Hase yeeshee Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. “Xilka waxaa dhiibi karaa markii si cadaalad ah la’iga qaado oo la raaco Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heyste u yahay Ciidmada itoobiya.
Shariif Xasan wuxuu sheegey inuu sii wadi doono howlihii dib u hashiisiinta ee uu ka dhex waday Bulshada Soomaaliyeed wxa uuna ku tilmaamay doorashada Gudoomiyanimda ee Shiikh Aadan Madoobe mid ay ka soo shaqaysay Dowladda itoobiya waayo waxay weligeed ku taameesay sidii uu Shiikh Aadan Madoobe uu u noqon lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama maanta ay fursad u heshay..

June 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa magaalada Muqdisho ku tegey kulan aan hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay "safar kusoo bood ah"..
June 8, 2007: Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde", madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyoodey magaalada Nairobi. [Aadan Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
Col. Nuur Cadde

October 29, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa iska casiley ra'iisul wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Geeddi iyo C/laahi Yuusuf.. Markii dambe Geeddi waxa uu sheegay in sabata khilaafk aay sal u ahayd Batroolka Soomaaliya. Geeddi waxa uu ra'iisul wasaare u ahaa DFKMG intii u dhexeysey November 3, 2004 ilaa October 29, 2007.
November 4 - 10, 2007: Waxa uu ahaa toddobaad ay ciidamada Itoobiya magaalada Muqdisho ka geysteen xasuuqii ugu darnaa, iyadoo wararka qaar sheegeen in hal maalin la diley dad shacab ah oo gaaraya ilaa 50 qof.

November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxaana lagu dhaariyey Baydhabo Nov 24, 2007.

December 2, 2007: Col. Nuur Cadde ayaa soo magacaabay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 wasiir, 11 wasiiru dawlo iyo 31 wasiir xigeen. Maalintii xigtey waxaa soo baxay in wasiiro uu magacaabay ay is-casileen iyagoo tilmaamay in markii la soo magacaabay aan lala tashan iyo in aan magacaabista wasiirada la waafajin nidaamka 4.5 ee ay ku salaysan tahay DFKMG ee awood qaybisga Qabiilooyinka, waxaa kale oo soo shaac baxay in beelo Soomaaliyeed aysan ku qanacsanayn habka loo soo dhisay golaha wasiirada. Col. Nuur Cadde safarkiisii ugu horeeyey waxa uu Dec 5, 2007 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa.
December 2, 2007: Hay'adaha u dooda xuquuqda Insaanka ayaa sheegay in sannadka 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu diley Soomaaliya in ay gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. [Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay.]

December 29, 2008: Waxaa xilka madaxweynaha DFKMG iska casiley Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

January 30, 2009: Kulan ay xubnaha Baarlamaanak DFKMG ku yeesheen Jabuuti, ayaa waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Shariif Sheikh Axmed. Musharaxii xigey ee codadka badan ka helay baarlamaanka waxa uu ahaa Maslax Maxamed Siyaad Barre oo uu dhalay madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya.

Feruary 13, 2009: Madaxweynaha DFKMG oo ku sugnaa Jabuuti ayaa ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu doortay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharmaarke oo la diley Oct 15, 1969.
TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA::::
Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan "Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954", heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey.
Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960).

February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April 1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex gashay. Waxaana la isla gaarey xabbad-joojin.

1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah ay isaga kaashan lahaayeen iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad cusboonaysiiyeen August 28, 1987.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.

November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "dhulka u cadayn sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (Ogaden) markey taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006) gumeysato.
J

zune 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta Itoobiya, magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd ku gaartey oo ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.

April 1988: Itoobiya oo markaas colaad kaga furnayd Eritrea ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Soomaalida. Heshiis kasta oo lala galay Soomaalidu marna kama tanaasulin sidii ay usoo ceshan lahayd dhulka ka maqan ee gumaystayaashii hore ay ku wareejineen dalalka deriska la ah Soomaaliya, Arrimhaas soo taxnaa waa kuwa markasta cakiraya in nabadda Soomaaliya ay hore u socoto.
TAARIIKH HORE EE SOOMAALIYA::::

1,500 BC Fircoonkii la oranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].
1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.
1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii June 26keedii ayaa dhulkii ingriisku u bixiyey Somaliland ay kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu u bixiyey ItalianSomaliland ay xorowdey, markaas ayaa labadaas qaybood midoobeen.
Intii ka dambeysey shirkii Carta (Jabuuti) ee 2000 waxaa Soomaaliya soo maray 7 ra'iisul wasaare iyo ku simayaal oo kala ah:

Cali Khaliif Galeyr: October 8, 2000 ilaa October 28, 2001
Cusman Jaamac Cali: October 28, 2002 ilaa November 12, 2002 [ku-sime]
Hasan Abshir Faarax: November 12, 2001 ilaa December 8, 2003
Muxamed Cabdi Yuusuf: December 8, 2003 ilaa November 3, 2004
Cali Maxamed Geeddi: November 3, 2004 ilaa October 29, 2007
Saalim Caliyow Ibrow: October 29, 2007 ilaa November 22, 2007 [ku-sime]
Nuur Xasan Xuseen : November 22, 2007 - ilaa hadda

W.D. MAXAMED XUSEEN XAAJİ
ADDRESS: ANKARA/TURKEY-e-post:baawaziir10@hotmail.com